Maamul Wanaag
Somalia faces multiple governance challenges. The country is recovering from years of conflict, lawlessness and weak administration. Understanding and improving governance in Somalia is one of the core missions of Somali Public Agenda. Join Mahad Wasuge, SPA Executive Director, and his guests who will delve deep into governance issues in Somalia in the Maamul Wanaag podcast.
Maamul Wanaag
Ma la joogaa wakhtigii dib-u-eegis lagu sameyn lahaa Naqshadda Amniga Qaranka ee lagu heshiiyey 2017?
Bishii May ee 2017, madaxda dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada ayaa Naqshadda Amniga Qaranka ugasoo heshiiyey shir ka dhacay London. Balse inta laga fuliyey heshiiskaas ayaa aad u kooban.
Shan sano kadib, bishii May 2022, madaxweyne Xasan Sheekh ayay labada gole ee baarlamaanka doorteen. Dagaallo ay qeyb ka yihiin Macawiisleey ayaa sidoo kale ka billowday qeybo kamid ah Soomaaliya.
Somali Dialogue Platform (Madasha Wadahadalada Somaaliyeed) oo ah mashruuc uu fuliyo Machadka Rift Valley ayaa dhawaan daabacay warbixin ku saabsan dib-u-eegista uu u baahan yahay in lagu sameeyo Naqshadda Amniga Qaranka.
Podcast-gan, waxa Cabdi Caynte iyo Mahad Waasuge ku falanqeynayaan nuxurka warbixintaas, in la joogo wakhtigii dib loo eegi lahaa Naqshadda Amniga Qaranka iyo heshiis amni noocee ah ayaa loo baahan yahay wakhtigan.
Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)
· Email us at podcasts@somalipublicagenda.org
Thanks for listening!