Maamul Wanaag
Somalia faces multiple governance challenges. The country is recovering from years of conflict, lawlessness and weak administration. Understanding and improving governance in Somalia is one of the core missions of Somali Public Agenda. Join Mahad Wasuge, SPA Executive Director, and his guests who will delve deep into governance issues in Somalia in the Maamul Wanaag podcast.
Maamul Wanaag
Xulashooyinka lagu xallin karo maqaamka Muqdisho
Use Left/Right to seek, Home/End to jump to start or end. Hold shift to jump forward or backward.
Dastuurka Federaalka ee Soomaaliya waxa si kumeelgaar ah loo ansixiyey 10 sano kahor 1-dii Ogosto 2012. Sanadihii u dhexeeyay 2013 ilaa 2016, ilaa 4 dowlad-goboleed ayaa la dhisay balse maqaamka caasimadda weli lama caddeynin.
Qodobka 9-aad ee dastuurka ayaa sheegaya in arrinta maqaamka caasimadda lagu xallin doono xeer baarlamaan, balse 10 sano kadib, baarlamaanka horumar weyn kama sameynin arrinkan. Maqaamka Muqdisho waxa ay kamid tahay arrimaha taagan oo dib u dhigaya qabya-tirka dastuurka iyo dhameystirka qaab-dhismeedka federaalka.
Dhawaan Somali Dialogue Platform iyo Somali Public Agenda waxa ay wada daabaceen faallo qoto-dheer ee uu cinwaankeedu yahay ‘Xulashooyinka lagu xallin karo maqaamka Muqdisho’. Faallada waxa ay soo bandhigtay saddex xulasho oo midkood lagu xalin karo maqaamka Muqdisho.
Podcast-gan oo aan iska kaashaneyno Somali Dialogue Platform waxaa lagu falanqeynayaa nuxurka warbixinta iyo qaababka kala duwan ee loo qeexi karo maqaamka caasimadda. Waxaa marti ku ah Cismaan Muxudiin Macallin (Shaatax) oo madax u ah dallada ururrada bulshada rayidka ee SONSA iyo Iimaan Nuur Iikar oo horey usoo noqday guddoomiye kuxigeenka gobolka Benaadir.
Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)
· Email us at podcasts@somalipublicagenda.org
Thanks for listening!