
Maamul Wanaag
Somalia faces multiple governance challenges. The country is recovering from years of conflict, lawlessness and weak administration. Understanding and improving governance in Somalia is one of the core missions of Somali Public Agenda. Join Mahad Wasuge, SPA Executive Director, and his guests who will delve deep into governance issues in Somalia in the Maamul Wanaag podcast.
Maamul Wanaag
Falanqeyn Heshiiska Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee Baydhabo
Xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran ayaa guddi farsamo u saaray in ay dib-u-eegis ku sameeyaan heshiiskii Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee April 2017. Xubnaha guddiga farsamo ayaa kulmay intii u dhexeysay 16 iyo 18 Janaayo 2023, waxa ayna dib-u-eegis ku sameeyeen heshiiskii qaab-dhismeedka amniga qaranka ee 2017.
Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran oo kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo 15-17 Maarso ee sanadkan ayaa saxiixay heshiis cusub ee qaab-dhismeedka amniga qaranka.
Podcast-gan waxaa lagu falanqeyneynaa nuxurka heshiiska qaab-dhismeedka amniga qaranka ee lagu saxiixay magaalada Baydhabo. Waxaa marti iigu ah Kamal Gutale oo ah la taliyaha amniga ee Raysal Wasaare Xamsa Cabdi Barre. Waxa uu Kamal sidoo kale kamid ahaa guddigii farsamo ee kasoo shaqeeyay heshiiska.
Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)
· Email us at podcasts@somalipublicagenda.org
Thanks for listening!