
Maamul Wanaag
Somalia faces multiple governance challenges. The country is recovering from years of conflict, lawlessness and weak administration. Understanding and improving governance in Somalia is one of the core missions of Somali Public Agenda. Join Mahad Wasuge, SPA Executive Director, and his guests who will delve deep into governance issues in Somalia in the Maamul Wanaag podcast.
Maamul Wanaag
Heerka daahfurnaanta, ka qeybgalka dadweynaha & korjoogteynta miisaaniyadda Soomaaliya
Dhawaan Open Budget Survey (OBS) oo sameeya cilmibaaris madax-bannaan oo lagu baaro miisaaniyadaha dalalka, fursadaha ay qeybaha bulshada uga qeyb gaadan karaan miisaaniyadda xilliga la diyaarinayo, iyo kaalinta hay’adaha ka shaqeeya daahfurnaanta ku leeyihiin miisaaniyadda ayaa daabacay natiijada daraasad laga sameeyay miisaaniyadda Soomaaliya sanadkii 2023. Heerka daahfurnaanta, Soomaaliya waxa ay keentay 37 dhibcood (109 halbeeg). Ka qeyb galka bulshada 0 ayay ahayd (18 halbeeg), halka korjoogteynta miisaaniyadda ay noqotay 30 dhibcood (18 halbeeg). Wadarta halbeegyada waxa ay ahaayeen 145. Xog uruurinta waxaa laga sameeyay 125 dal. Natiijada daraasaddan waxaa lagusoo bandhigay madal lagu qabtay Muqdisho oo ay kasoo qeyb galeen hay’adaha dowladda & bulshada rayidka ah oo ay khuseyso.
Qeybtan 45-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Maxamed Roble oo ah khabiir arrimaha maaliyadda ah ayaa isla gorfeynaya natiijada daraasadda laga sameeyay heerka daahfurnaanta, ka qeybgalka dadweynaha & korjoogteynta miisaaniyadda Soomaaliya.
Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)
· Email us at podcasts@somalipublicagenda.org
Thanks for listening!