Maamul Wanaag

Nooca Dowladnimada Miyay Naga Baahday? Tirada Siyaasiyiinta iyo Baaxadda Hay'addaha Dowladda

Somali Public Agenda Episode 63

Wasiirkii hore ee Batroolka Soomaaliya oo hadda falanqeeya arrimaha siyaasadda iyo dowlad-dhiska Mohamed Mukhtar Ibrahim ayaa dhawaan qoray labo maqaal oo ka hadlaya metelaadda iyo baaxadda hay’adaha dowladda ee heer federal iyo heer dowlad-goboleed. Maqaalka koowaad wuxuu ugu magac daray “Ma u baahan nahay 999 wakiil, 8 Madaxweyne iyo 6 Madaxweyne ku Xigeen, 1 Raisul Wasaare, 2 Raisul Wasaare Ku Xigeen, iyo 454 Wasiir?” Waxa uu ku dooday in tiradan badan ay keentay metelaad xumi, culays dhaqaale, adeeg xumi iyo isla xisaabtan la’aan. 

Maqaalka labaad waxa uu kaga hadlay in ay dalka ka jiraan in ka badan 340 hay’adood oo dowli ah oo oo qabta howlo isku mid ah.  Waxa uu su’aal ka keenay tirad badan ee siyaasiyiinta iyo hay’adaha dalka ka jira. Qeybtan 63-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Mohamed Mukhtar Ibrahim ayaa ku gorfeynaya nuxurka labada maqaal, sababaha ku dhaliyay in uu qoro, iyo xalka.

Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast

· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

· Email us at podcasts@somalipublicagenda.org

Thanks for listening!