Diiwaanka Mahad
Diiwaanka Mahad waa podcast uu Mahad Wasuge kaga sheekeeyo, kuna soo koobo qoraalladiisa. Waxa uu diiradda ku saaraa waaya-aragnimadiisa nolosha iyo safarradiisa, kuwaas oo uu inta badan kaga faalloodo bloggiisa. Diiwaanka Mahad waxa uu fududeynayaa in qoraallada Mahad, oo badankood ku qoran luqadda Ingiriiska, ay Soomaalida daneysa arrimaha uu qoraallada ka sameeyo uga bogtaan kuna dhageystaan luqadda Soomaaliga.
Diiwaanka Mahad
#01. Casharrada Waqtiga: Dib-u-milicsiga Safarka Nolosha
Aaladda TikTok ayaan mararka qaar isticmaalaa. Waxaa jira muuqaallo badan oo aqoon kororsi ah eel aga heli karo iyo kuwo kale oo madadaallo ah oo aan daawado mar kasta ee aan isticmaalo aaladdan. Sikastaba ha noqotee, waxa aan aaladdan ka daawaday sawirro hore oo hees Hindi ah la dul saaray. Qaar ka mid ah sawiradan ayaa ah sawirro qof, dhowr qof ama goob ku taalla Muqdisho oo la qaaday sanado ka hor.
Markii aan dhowr post oo noocan ah daawaday, waxa aan bilaabay in aan dib u milicsado nolosha iyo sida duruufahayga ay si tartiib tartiib ah isu beddeleen sanadihii lasoo dhaafay. Waxaan billaabay inaan ka fikiro waayihii wacnaa ee aan ku soo koray degmada Buulaburte, wakhtihii aan waxbarashada ku joogay Beledweyne, kubbadda cagta, iyo sida hawl maalmeedkaygii isu beddelay wakhtiba wakhtiga ka dambeeyay. Wax badan ayaa is beddelay aniga oo aan dareemin.
Xalqadan koowaad ee #DiiwaankaMahad Podcast waxa aan uga hadlayaa maqaal aan daabacay September 2024 oo aan uga hadlay casharrada uu na barayo wakhtiga.