Diiwaanka Mahad
Diiwaanka Mahad waa podcast uu Mahad Wasuge kaga sheekeeyo, kuna soo koobo qoraalladiisa. Waxa uu diiradda ku saaraa waaya-aragnimadiisa nolosha iyo safarradiisa, kuwaas oo uu inta badan kaga faalloodo bloggiisa. Diiwaanka Mahad waxa uu fududeynayaa in qoraallada Mahad, oo badankood ku qoran luqadda Ingiriiska, ay Soomaalida daneysa arrimaha uu qoraallada ka sameeyo uga bogtaan kuna dhageystaan luqadda Soomaaliga.
Podcasting since 2025 • 6 episodes
Diiwaanka Mahad
Latest Episodes
#06. Safarkeygii Carta, Jabuuti I Diiwaanka Mahad Podcast
Waxaan ka qeyb galo xuska sanad guurada 25-aad ee Shirkii Nabadda ee Carta iyo daahfurka taallada nabada. Taallada ayaa laga dhisay isla goobtii uu ka dhacay shirkii Carta 25 sano kahor. Waan ku faraxay in aan ogaado dadaallada la sameeyay si l...
•
Season 1
•
Episode 6
•
10:18
#05. Safarkeygii Magaalada Caruusha, Tansaaniya
7-dii Abriil ayaan kamid noqday dad kooban oo loo xushay in ay ka qeyb galaan koorso Transformational Leadership ah ee la qorsheeyay in lagu qabto 9–20 June magaalada Caruusha ee dalka Tansaaniya. Waxay ahayd markii iigu horreysay ee aan tago C...
•
Season 1
•
Episode 5
•
12:36
#04. Safarkeygii Kismaayo
Waxaan u safray Kismaayo maalin Jimce ah, 23-ii May. Safarka ayaa qeyb ka ahaa kulamo ay hay’adaha Somali Public Agenda iyo PDRC wada qabanayeen oo lagu sahminayay sida xal loogu heli karo arrimaha siyaasadda dalka ee cakiran oo ay kamid yihiin...
•
Season 1
•
Episode 4
•
9:13
#03. Safarkeygii Buuloburte: Xusuus iyo Dareen
Sanadka 2025 waxa uu iigu billowday safar isbuuc ah oo aan ku tagay degmada Buuloburte. Markii iigu dambeysay ee aan magaalada tago waxa ay ahayd Agoosto 2023. Inkastoo culeysyo iyo duruufo badan ay ka jiraan magaalada, haddana waa magaaladeyda...
•
Season 1
•
Episode 3
•
7:42
#02. Safarkii Dheeraa ee aan Jigjiga ku Gaaray & Shirweynaha Dhalinyarada Soomaaliyeed
Saaxiibkey Maxamed Cumar ayaa uu igu casuumay Shirwaynaha Dhalinyarada Soomaaliyeed (Somali Youth Summit), kaasoo ka dhacay magaalada Jigjiga intii u dhexeysay 25 iyo 27 Nofeembar 2023. Horey uma aan tegin Jigjiga. Ma jirto diyaarad toos ah oo ...
•
Season 1
•
Episode 2
•
15:22