Diiwaanka Mahad
Diiwaanka Mahad waa podcast uu Mahad Wasuge kaga sheekeeyo, kuna soo koobo qoraalladiisa. Waxa uu diiradda ku saaraa waaya-aragnimadiisa nolosha iyo safarradiisa, kuwaas oo uu inta badan kaga faalloodo bloggiisa. Diiwaanka Mahad waxa uu fududeynayaa in qoraallada Mahad, oo badankood ku qoran luqadda Ingiriiska, ay Soomaalida daneysa arrimaha uu qoraallada ka sameeyo uga bogtaan kuna dhageystaan luqadda Soomaaliga.
Diiwaanka Mahad
#02. Safarkii Dheeraa ee aan Jigjiga ku Gaaray & Shirweynaha Dhalinyarada Soomaaliyeed
Saaxiibkey Maxamed Cumar ayaa uu igu casuumay Shirwaynaha Dhalinyarada Soomaaliyeed (Somali Youth Summit), kaasoo ka dhacay magaalada Jigjiga intii u dhexeysay 25 iyo 27 Nofeembar 2023. Horey uma aan tegin Jigjiga. Ma jirto diyaarad toos ah oo Muqdisho ka baxda oo tagta Jigjiga. Labada waddo oo aan ku tagi karay waxa ay kala ahaayeen in aan Addis Ababa sii maro & in aan diyaarad ku tago Hargeysa kadibna aan safar dhulka ah ku gaaro Jigjiga. Waxaan rabay in aan dhulka sii barto, waxa aanan go’aansaday midda dambe.
Xalqadan labaad ee #DiiwaankaMahad Podcast waxa aan kusoo koobayaa maqaal aan daabacay bishii Diseembar 2023 oo aan uga hadlay waaya-aragnimadii aan ka helay safar dhulka ah oo aan ku tagay Jigjiga, aqoon-is-weydaarsiyadii aan goobjoogga u ahaa maalmihii uu socday Shirweynaha Dhalinyarada Soomaaliyeed (Somali Youth Summit) iyo waxyaabihii aan kusoo arkay Jigjiga. #DiiwaankaMahadPodcast