Diiwaanka Mahad
Diiwaanka Mahad waa podcast uu Mahad Wasuge kaga sheekeeyo, kuna soo koobo qoraalladiisa. Waxa uu diiradda ku saaraa waaya-aragnimadiisa nolosha iyo safarradiisa, kuwaas oo uu inta badan kaga faalloodo bloggiisa. Diiwaanka Mahad waxa uu fududeynayaa in qoraallada Mahad, oo badankood ku qoran luqadda Ingiriiska, ay Soomaalida daneysa arrimaha uu qoraallada ka sameeyo uga bogtaan kuna dhageystaan luqadda Soomaaliga.
Diiwaanka Mahad
#04. Safarkeygii Kismaayo
Waxaan u safray Kismaayo maalin Jimce ah, 23-ii May. Safarka ayaa qeyb ka ahaa kulamo ay hay’adaha Somali Public Agenda iyo PDRC wada qabanayeen oo lagu sahminayay sida xal loogu heli karo arrimaha siyaasadda dalka ee cakiran oo ay kamid yihiin xiriirka dowladda federalaka & dowlad-goboleedyada, dib-u-eegista dastuurka & doorashooyinka.
Xalqadan afaraad ee #DiiwaankaMahad Podcast waxa aan kusoo koobayaa maqaal aan daabacay horraantii June oo aan uga hadlay safar aan ku tagay Kismaayo, iyo horumarrada kaabayaasha dhaqaale iyo dadaallada bulshada rayidka ah ee aan kusoo arkay. #DiiwaankaMahadPodcast