Diiwaanka Mahad
Diiwaanka Mahad waa podcast uu Mahad Wasuge kaga sheekeeyo, kuna soo koobo qoraalladiisa. Waxa uu diiradda ku saaraa waaya-aragnimadiisa nolosha iyo safarradiisa, kuwaas oo uu inta badan kaga faalloodo bloggiisa. Diiwaanka Mahad waxa uu fududeynayaa in qoraallada Mahad, oo badankood ku qoran luqadda Ingiriiska, ay Soomaalida daneysa arrimaha uu qoraallada ka sameeyo uga bogtaan kuna dhageystaan luqadda Soomaaliga.
Diiwaanka Mahad
#05. Safarkeygii Magaalada Caruusha, Tansaaniya
7-dii Abriil ayaan kamid noqday dad kooban oo loo xushay in ay ka qeyb galaan koorso Transformational Leadership ah ee la qorsheeyay in lagu qabto 9–20 June magaalada Caruusha ee dalka Tansaaniya. Waxay ahayd markii iigu horreysay ee aan tago Caruusha oo ah magaalada inta badan lagu xuso taariikhda Soomaalida.
Xalqadan shanaad ee #DiiwaankaMahad Podcast waxa aan kusoo koobayaa maqaal aan daabacay bishii Juun ee sanadkan oo aan uga hadlay safar aan ku tagay magaalada Caruusha ee dalka Tansaaniya iyo waaya-aragnimadii aan kasoo helay muddadii labada isbuuc ahayd ee aan joogay magaalada. #DiiwaankaMahadPodcast