Xidhiidhada Nolosha Podcast
Kusoo dhawoow Xidhiidhada Nolosha Podcast. Magacaygu waa Amaal Haybe waxaan ahay tababare nololeed oo qaabilsan dhisida xidhiidhada fayow iyo kobcinta hab-fikirka togan.
Waxaan halkan kuuguso gudbin doonaa qaababka cilmiyaysan ee aad naftaada iyo dadka kaleba u la yeelan karto xidhiidh cafimaad qaba oo fayow.
Kuxidhnow Xidhiidhada Nolosha Podcast oo salaasa kaste 7:00pm fiidnimo aad ka heli doontid mawduucyo saamayn wanaagsan kuyeelan doona xidhiidhada ka tirsan noloshaada iyo cafimadkaaga maskaxeed.
Dhagaysi wacan.
Xidhiidhada Nolosha Podcast
Filasho Q-3aad| Expectations
Waa maxay filashada fayow iyo filashada aan fayoobayn? Saamayn noocma ah ayay filashadu ku leedahay xidhiidhka ad dadka kale la leedahay?
Waa maxay se talaabooyinka aad qaadi kartid si aad filashooyinka aan fayoobayn ee aad leedahay aad wax uga badali kartid. Jawaabaha su'aalahan waxad ka helaysaa xalqadan.
Dhagaysi wacan.
https://www.instagram.com/xidhiidhadanoloshapodcast?igsh=emczMDAzMnEzemFp