Xidhiidhada Nolosha Podcast
Kusoo dhawoow Xidhiidhada Nolosha Podcast. Magacaygu waa Amaal Haybe waxaan ahay tababare nololeed oo qaabilsan dhisida xidhiidhada fayow iyo kobcinta hab-fikirka togan.
Waxaan halkan kuuguso gudbin doonaa qaababka cilmiyaysan ee aad naftaada iyo dadka kaleba u la yeelan karto xidhiidh cafimaad qaba oo fayow.
Kuxidhnow Xidhiidhada Nolosha Podcast oo salaasa kaste 7:00pm fiidnimo aad ka heli doontid mawduucyo saamayn wanaagsan kuyeelan doona xidhiidhada ka tirsan noloshaada iyo cafimadkaaga maskaxeed.
Dhagaysi wacan.
Xidhiidhada Nolosha Podcast
Naf-ka War Hayn
Ma tahay qof ka war haya naftiisa si joogta ah? Ma garan kartaa isbadalada noloshaada kusoo biiraa siday u saamayn karaan qaybaha kala duwan ee noosheeda sida go'aan qaadashada, waxqabadkaaga malin laha ah iyo cafimaadkaaga maskaxeed.
Hadaba xalqadan waxaad ku baran doontaa sida naftaada ay tahay in aad uga war haysid iyo su'aalaha ay tahay in aad naftaada waydiisid isbuuc kaste iyo bil kasteba si xidhiidh fayow oo cafimad qaba ula yeelatid naftaada iyo dadka kaleba.
Dhagaysi wacan.
https://www.instagram.com/xidhiidhadanoloshapodcast?igsh=emczMDAzMnEzemFp