Adeeg Wanaag

Kaltanka Bajaajyada ee A & B

Somali Public Agenda Season 1 Episode 11

Use Left/Right to seek, Home/End to jump to start or end. Hold shift to jump forward or backward.

0:00 | 28:17

Magaalda Muqdisho oo kasoo kabaneysa burburkii dagaallada, ayaa waxaa sanadihii ugu dambeeyay ka muuqday isbdello dhanka dhismeyaasha waddooyinka, guryaha iyo gaadiidka. Isbedelladaasi waxaa barbar socday culeysyo kala duwan oo isu-socodka dadka iyo gaadiidka la xiriira. 

Hadaba si loo xakmeeyo culeysyada kala duwan ee isu-socodka dadka iyo gaadiidka la xiriira, maamulka gobolka Benadir ayaa soo saaray go’aan mooto bajaajta magaalda ka shaqeysa loogu qeybiyay labada qayb ee A iyo B. Go’aankaasi inta uu hirgalay waxaa kasoo wareegatay muddo ku dhaw bilood. 

Podcast-gan waxaa lagu  falanqeynayaa go’aanka maamulka gobolka uu mooto bajaajta magaalda ka shaqeysa ugu qeybiyay A iyo B, iyo waxyaabihii ka dhashay, qorshyaasha xiga iyo guud ahaan culeysyada ku xeeran isu-socodka dadka iyo gaadiidka ee magaalada Muqdisho. Waxaa marti ku ah Cabdirashid Ibrahim Maxamed, oo ah Agaasimaha Guud ee Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Benadir, ahna Guddomiyaha Guddiga Dib-u-dhiska iyo Horumarinta Caasimadda.

Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast

· Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab

· Email us at podcasts@somalipublicagenda.org

Thanks for listening!