
Adeeg Wanaag
Public services in Somalia are highly limited due to the weakness of government institutions struggling to recover from destruction caused by conflict. However, even those government services that do exist fail to serve people effectively. Access to public services is a fundamental right for Somali citizens. Join Aweis Ahmed, the director of the SPA Policy Lab, and his guests, who will intensely discuss the public service matters in Somalia in the Adeeg Wanaag podcast.
Episodes
49 episodes
Adeegyada Caafimaad ee Isbitaalka Erdogan (Ex-Digfer)
Isbitaalka Erdogan (Ex-Digfer) waxaa la aaminsan yahay inuu yahay mid kamid ah isbitaallada ugu casrisan dalka, islamarkaana bixiya adeegyada ugu badan ee caafimaad ee Soomaaliya. Qeybtan 32-aad ee Adeeg Wanaag podcast, Aweis...
•
Episode 32
•
45:17

Waxqabadka Dowladda Hoose ee Degmadda Cadaado & Caqabadaha ku Gedaaman
Degmada Cadaado ee dowlad-goboleedka Galmudug waxa ay ka mid tahay degmooyinkii ugu horreeyay ee gole deegaan yeesha. Golaha deegaanka iyo maamulka degmadaas oo muddo-xiloodkii loo doortay kala-bar qaatay, maxaa u qabsoomay, caqabadaha heystase...
•
Season 1
•
Episode 31
•
40:58

Waa Sidee Adeegga Caafimaadka Hooyada & Dhallaanka ee Isbitaalka Benaadir?
Adeegga caafimaadka ee guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan midka hooyada iyo dhallaanka waxa uu ka mid yahay adeegyada loogu baahida badan yahay dalka. Waxaa la sheegaa Soomaaliya in ay ka mid tahay dalalka ugu horreeya oo ay hooyada iyo dhallaan...
•
Season 1
•
Episode 30
•
1:11:51

Dib-u-eegista iyo Hagaajinta Adeegga Garsoorka iyo Hay’adaha Cadaaladda
Adeegga garsoorku waxa uu udub-dhexaad u yahay adeegyada kala duwan ee ay dowladuhu bixiyaan. Burburkii dowladii dhexe kadib, hay'adaha garsooku waxay ku jireen marxalad soo kabasho ah. Qeybtan 29-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweys...
•
Season 1
•
Episode 29
•
47:57

Teknoolojiyadda Casriga ah iyo Fududeynta Adeegyada Dowladda
Soo ifbaxa kumbiyuutarrada, internet-ka, iyo aaladaha kale ee fududeeya xiriirka bulshada waxa ay sare u qaadeen adeegyada kala duwan oo ay bixiyaan dowladaha. Waxaa loogu magac daray electronic government oo loo soo gaabiyo E-government, oo ma...
•
Season 1
•
Episode 28
•
36:05

Maareynta Musiibooyinka iyo Kaalinta Haya’daha Dowladda
Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka ugu nugul musiibooyinka, iyadoo dalku uu u dhexeeyo abaaro iyo fatahaado iyo musiibooyinka ay sababeen colaadaha joogtada ah. Dardar-gelinta howlaha maareeynta masiibooyinka waxaa dowladda u qaabilsan Hay...
•
Season 1
•
Episode 27
•
37:55

Canshuurta Iibka iyo Caqabadaha ku Gedaaman
Dowladda federaalka ayaa dhawaan billowday canshuurta iibka, taas oo ka hirgashay suuqyada magaalada Muqdisho. Somali Public Agenda (SPA) ayaa daabacaday faallo qoto-dheer oo falanqeyneysa canshuurta iibka, shuruucda lagu saleeyay, habka loo qa...
•
Season 1
•
Episode 26
•
28:47

Kaalinta Fanka ee Hogatusaaleynta iyo Wacyigelinta Bulshada
Burburkii ka hor, Soomaaliya waxay laheyd kooxo-faneed kaalin weyn ku lahaa wacyigelinta buslahda. Goobaha ay xoogga saari jireen kooxihii fanka ee ay dowladdu gacanta ku haysay waxaa ka mid ahaa waxbarashada, muruq-maalka, caafimaadka iyo ciya...
•
Season 1
•
Episode 25
•
24:54

Kaalinta Bulshada Rayidka & Warbaahinta ee Isla-xisaabtanka Arrimaha Gargaarka Bani’aadamnimo
Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka muddada dheer la daalaa dhacayay dhibaatooyinka bani’aadamnimo. Beesha calaamka ayaa si joogta ah ugu deeqda dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan gargaar bani’aadamnimo. Waxaase aad u yar isla-xisaabtanka g...
•
Season 1
•
Episode 24
•
27:01

Wacyiga Bulshada ee Dawooyinka La Isku Cadeeyo & Khatartooda
Sanadahii dambe waxaa kordhay bulshada qeybo ka mid ah oo is caddeynaya ama midabkooda doorinaya, iyagoo ujeedkoodu yahay in ay qurux dheeraad ah ka helaan. Dadka is caddeeya waxa ay adeegsadaan dawooyin la isku dardaray oo kiimiko ah. Arrintan...
•
Season 1
•
Episode 23
•
49:00

Biyo-mareennada iyo Bullaacadaha Muqdisho
Dagaallada sokeeye waxa ay sababeen burbur iyo dayac ku yimid guud ahaan biyo-mareennada, bullaacadaha iyo goobaha biyaha lagu keydiyo ee magaalada Muqdisho. Waxaa ka dhashay in biyaha roobabku ay fadhiistaan wadooyinka, qaarkoodna ay burbur jo...
•
Season 1
•
Episode 22
•
32:46

Adeegga Madadaallada & Saameynta Dhaqan-dhaqaale ee Bulshada
Adeegga madadaallada, gaar ahaan musalsallada, waxaa caan ka ahaa gudaha dalka musalsallada qalaad sida kuwa Meksikaanka, Carabta, Hindida, Turkida, Kuuriyaanka iyo qaar kale. Sanadihii dambe waxaa soo badanayay musalsallo ay sameynayaan shirka...
•
Season 1
•
Episode 21
•
59:12

Tayeynta Waxbarashada & Kaalinta Dugsiyada Gaarka Loo Leeyahay
Tan iyo burburkii dalka, waxbarashada aasaasiga ah inteeda badan waxaa gacanta ku hayay hay’ado samafal ah iyo kuwo gaar loo leeyahay, halka kaalinta dowladdu aysan ka marneyn balse ay aad u koobneyd. Tayada waxbarashada weli weydiimo ayaa laga...
•
Season 1
•
Episode 20
•
43:04

Wacyiga Bulshada ee Xanuunnada Nafsiga ah & Daweyntooda
Dagaallada sokeeye waxay sababeen burbur xooggan oo ku yimid guud ahaan adeegyada caafimad ee dalka, gaar ahaan adeegyada caafimaad ee la xiriira xanuunnada dhimirka ku dhaca. Daraasaddii ugu dambeysay ee degmooyin kamid ah dalka laga sameeyay ...
•
Season 1
•
Episode 19
•
44:55

Saameynta Tartanka Cayaaraha Dowlad-goboleedyada & Gobolka Benaadir
Tartamada cayaaruhu waa mid ka mid ah dhacdooyinka bulshada ee ugu sameynta badan dunida. Adeegga madadaalada oo ay ka helaan dadka waxaa wehliya in ay qeyb weyn ka qaataan is dhexgalka, jiheynta iyo qaabeynta bulshada. Haddaba, tartanka cayaar...
•
Season 1
•
Episode 18
•
59:37

Saameynta Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya
Isbeddelka cimiladda ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay dunida guud ahaan gaar ahaan Soomaaliya. Isbeddelka cimilada waxaa ka dhashay dhibaatooyin dhaqaale iyo kuwo bulsho. Si looga hortago ama xal loogu hesho saameynta isbeddelka cimilada, waxa...
•
Season 1
•
Episode 17
•
38:02

Bixinta Kaarka Aqoonsiga Dadweynaha
Kadib buburkii dalka ka dhacay sanadkii 1991, waxaa meesha ka baxay nidaamkii kaararka aqoonsiga dadweynaha, kaasoo udub dhexaad u ahaa helidda adeegyada asaasiga ah sida caafimaadka iyo waraaqaha socdaalka iyo sido kale cashuur bixinta. Hay’ad...
•
Season 1
•
Episode 16
•
59:07

Dhismaha & waxqabadka golayaasha deegaanka ee Galmudug & Hirshabeelle
Inkastoo dhismaha dowlad-goboleedyada lasoo gababeeyay 2016-ka, dhismaha goleyaasha deegaanka lagama gaarin guulo wax-ku-ool ah. Goleyaasha deegaanada hadda dhisan oo tiro ahaan kooban ayaa la kulma caqabado badan. Sidoo kale waxaa jira caqabad...
•
Season 1
•
Episode 15
•
39:00

Kaalinta Maamulka Gobolka Benaadir ee Tageeridda Barakacayaasha
Gudaha Soomaaliya waxaa ugu barakacay in ku dhaw 4 malyan muwaadiniin ah sababo la xiriira musiibooyinka dabiiciga ah, kuwa amni darrada la xirriira iyo sababo la xiriira raadinta nolol iyo adeeg ka tayo wacan midka ay heystaan. Tirada ugu bada...
•
Season 1
•
Episode 14
•
54:05

Falanqeyn sanad-waxbarasheedka asaasiga ah ee jaamacadaha lagu kordhinayo
Soomaaliya ayaa wajaheysa caqabado joogta ah oo la xiriira tayada waxbarashada sare. Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iyada oo ka duuleysa caqabadahaas waxa ay dhawaan soo saartay amar a...
•
Season 1
•
Episode 13
•
28:22

Kaalinta ururrada bulshada rayidka beelaha laga tirda badan yahay ee isku xirka barakacayaasha, haya’daha samafalka iyo dowlada
Gudaha Soomaaliya waxaa ku barakacay in ku dhaw 4 malyan muwaadiniin ah sababo la xiriira musiibooyinka dabiiciga ah, kuwa amni-darrada la xirriira iyo sababo la xiriira raadinta nolol iyo adeeg ka tayo wanaagsan midka ay heystaan. Tirada ugu b...
•
Season 1
•
Episode 12
•
1:01:08

Kaltanka Bajaajyada ee A & B
Magaalda Muqdisho oo kasoo kabaneysa burburkii dagaallada, ayaa waxaa sanadihii ugu dambeeyay ka muuqday isbdello dhanka dhismeyaasha waddooyinka, guryaha iyo gaadiidka. Isbedelladaasi waxaa barbar socday culeysyo kala duwan oo isu-socodka dadk...
•
Season 1
•
Episode 11
•
28:17

Adeegga Xajka iyo Kaalinta Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta
Adeegga Xajka waxa uu ka mid yahay kuwa ugu muhiimsan oo ay Wasaarada Awaqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowladda Federaalka u qabato muwaadiniinta Soomaaliyeed. Hase ahaatee, xujeyda Soomaaliyeed ayaa culeysyo kala duwan ka sheegta guud ahaan ho...
•
Season 1
•
Episode 10
•
33:51

U daadejinta canshuurta & adeegyada bulshada dowladaha hoose
Soomaaliya waxa ay qaadatay nidaamka federaalka kadib markii uu guuldareystay hannaankii dowladda dhexe, kaasoo adeegyada bulshada dowladda dhexe ay maamuli jirtay. Nidaamka federaalka, oo looga gol leeyahay in lagu daadejiyo awoodda iyo adeegy...
•
Season 1
•
Episode 9
•
29:40

Helitaanka Warqadaha Aqoonsiga ee Dowladda
Adeegyada ugu muhiimsan oo ay dowladuhu bixiyaan waxaa kamid ah in muwaadiniinta la siiyo dukumintiyada aqoonsiga dowladeed sida baasaboorrada, shahaadooyinka dhalashada, shatiga wadista baabuurta, iyo shahaadooyinka caddeynta dambi la'aanta. A...
•
Season 1
•
Episode 8
•
26:27
