Adeeg Wanaag
Public services in Somalia are highly limited due to the weakness of government institutions struggling to recover from destruction caused by conflict. However, even those government services that do exist fail to serve people effectively. Access to public services is a fundamental right for Somali citizens. Join Aweis Ahmed, the director of the SPA Policy Lab, and his guests, who will intensely discuss the public service matters in Somalia in the Adeeg Wanaag podcast.
Episodes
62 episodes
Reer Miyiga Sidee Ayay U Maareeyaan Abaaraha?
Dhammaadka sanadkii hore, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday xaalad abaareed in uu dalku galay, kadib markii ay baaqdeen roobabkii deyrta, iyo xilliga kuleylaha jiilaalka ee ka dambeeyay. In ka badan 5 milyan oo qof ayaa la...
Sidee u shaqeeyaa adeegga lacag-bixinta degdegga ah?
Inkastoo ay Soomaaliya horumar ka sameysay adeegga bangiyada iyo shirkadaha kale ee ka shaqeeya arrimaha lacagaha, haddana dadweynaha iyo ganacsatada waxa ay culeys ku qabeen in lacagaha la isaga kala diri karin bangiyada iyo shirkadaha maaliya...
Sidee Loo Kordhin Karaa Dakhliga Canshuuraha ee Dowladda Hoose ee Degmada Cadaado?
Degmada Cadaado waxa ay ka mid tahay degmooyinkii ugu horreeyay ee Dowlad-goboleedka Galmudug oo maamul iyo hay’ado shaqeeya yeesha. Dowaldda hoose ee degmadu waxa ay qaaddaa canshuur kala duwan, si ay adeegyo kala duwan ugu qabato. Hase ahaate...
Sidee Hay’adda Dhowrista Xogta ugu Adeegtaa Muwaaddiniinta Soomaaliyeed?
Xogaha kala duwan ee muwaadiininta ku saabsan waxaa gacanta ku haya hay’ado kala duwan, kuwaas oo dowli ah ama aan dowli aheyn. Waxaa lagama maarmaan ah in xogahaasi aan loo adeegsan si ka baxsan inta sharcigu oggol yahay. Qeybtan 4...
Af Soomaaliyeynta Erayada Loo Adeegsado Garaad-Gacmeedka (AI)
Adeegsiga Artificial Intelligence ama Garaad Gacmeedka ayaa dunida aad ugu baahay sanadihii ugu dambeeyay. Soomaaliya, Garaad Gacmeedka waxaa loo aadgsadaa qeybo kala duwan. Sidaas oo ay tahay, ereyada Af Soomaaliga ah ee la xirriira Garaad Gac...
Muxuu ka Shaqeyn Doonaa Guddiga Tacliinta Sare ee Dalka?
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee dalka, kaas oo ka shaqeyn doona hagidda iyo horumarinta hey’adaha tacliinta sare ee dalka. Qeybtan 40-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, A...
Culeysyada Ka Jira Qaadashada Kaarka Aqoonsiga & Sida Hay’adda NIRA u Maareyso
Hay'adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed (NIRA) ayaa waxa ay ku howlaneyd in muddo ah bixinta karaarka aqoonsiga dadweynaha. Balse dhowrkii bil ee ugu dambeeyay waxaa jirtay in dadweynuhu aad ugu xoomeen qaadashada kaarka, ...
Xaaladda Caruurta aan Dugsiyada Aadin ee Muqdisho & Sida Lagu Xallin Karo
Adeegga waxbarashada ee dalka, gaar ahaan, midka ka jira magaalada Muqdisho ayaa soo kabanaya. Sidaa oo ay tahay, waxaa la sheegaa tiro aad u badan oo caruurta magaalada ku nool in aysan aadin dugsiyada waxbarashada nidaamiga ah. Dhawaan waxaa ...
Adeegyada Xalka Waara iyo Horumarinta Reer Miyiga
Colaadaha iyo musiibooyinka dabiiciga ah ee dalka ka jira waxa ay sababeen barakac baahsan, kaas oo saameyn weyn ku yeeshay bulshooyinka reer miyiga ah. Ku dhowaad afar milyan oo qof ayaa barakac ku ah gudaha dalka. Hay’adaha dowaliga ah, sida ...
Duruufaha Dhaqaale ee Dalk Ka Jira & Sida loo Maareyn karo
Duruufaha dhaqaale ee muwaaddiniinta Soomaaliyeed guudahaan ay wajahayaan, gaar ahaan kuwa ku nool gobolka Benaadir ayaa sii xoogeysanaya. Duruufahaas oo nuucyo kala duwan leh, sababo kala duwanna lala xiriirin karo, waxa ay saameyn ku yeesheen...
Warbaahinta Madaxa Bannaan iyo Adeegyada ay Bulshada u Qabtaan
Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, dalka waxaa ka hanaqaaday warbaahin madax-bannaan oo noocyo kala duwan leh, taas oo marxalado kala duwan soo martay, isla markaana duruufo adag ku soo shaqeysay. Warbaahinta madaxa-bann...
Barakacayaasha iyo Kaalintooda ku Aaddan in Xal Waara Loo Helo Barakaca
Colaadaha iyo musiibooyinka dabiiciga ah ee dalka ka jira waxa ay sababeen barakac baahsan. Qiyaastii afar milyan oo qof ayaa ku barakacay gudaha dalka. Dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo hay’adaha aan dowliga aheyn ayaa ku howlan xal...
Sababaha Shaqo La’aanta Dhallinyarada iyo Sida Loo Maareyn Karo
Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka dadweynahooduay dhallinyaro u badan yihiin. Waxaa la sheegaadadweynaha Soomaaliya in ka badan 70 boqolkiiba in ay dhallinyaro yihiin. Dhallinyaradaas waxaa saameyn weynku yeesha shaqo la’aanta baahsan ee ...
Adeegyada Caafimaad ee Isbitaalka Erdogan (Ex-Digfer)
Isbitaalka Erdogan (Ex-Digfer) waxaa la aaminsan yahay inuu yahay mid kamid ah isbitaallada ugu casrisan dalka, islamarkaana bixiya adeegyada ugu badan ee caafimaad ee Soomaaliya. Qeybtan 32-aad ee Adeeg Wanaag podcast, Aweis...
Waxqabadka Dowladda Hoose ee Degmadda Cadaado & Caqabadaha ku Gedaaman
Degmada Cadaado ee dowlad-goboleedka Galmudug waxa ay ka mid tahay degmooyinkii ugu horreeyay ee gole deegaan yeesha. Golaha deegaanka iyo maamulka degmadaas oo muddo-xiloodkii loo doortay kala-bar qaatay, maxaa u qabsoomay, caqabadaha heystase...
Waa Sidee Adeegga Caafimaadka Hooyada & Dhallaanka ee Isbitaalka Benaadir?
Adeegga caafimaadka ee guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan midka hooyada iyo dhallaanka waxa uu ka mid yahay adeegyada loogu baahida badan yahay dalka. Waxaa la sheegaa Soomaaliya in ay ka mid tahay dalalka ugu horreeya oo ay hooyada iyo dhallaan...
Dib-u-eegista iyo Hagaajinta Adeegga Garsoorka iyo Hay’adaha Cadaaladda
Adeegga garsoorku waxa uu udub-dhexaad u yahay adeegyada kala duwan ee ay dowladuhu bixiyaan. Burburkii dowladii dhexe kadib, hay'adaha garsooku waxay ku jireen marxalad soo kabasho ah. Qeybtan 29-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweys...
Teknoolojiyadda Casriga ah iyo Fududeynta Adeegyada Dowladda
Soo ifbaxa kumbiyuutarrada, internet-ka, iyo aaladaha kale ee fududeeya xiriirka bulshada waxa ay sare u qaadeen adeegyada kala duwan oo ay bixiyaan dowladaha. Waxaa loogu magac daray electronic government oo loo soo gaabiyo E-government, oo ma...
Maareynta Musiibooyinka iyo Kaalinta Haya’daha Dowladda
Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka ugu nugul musiibooyinka, iyadoo dalku uu u dhexeeyo abaaro iyo fatahaado iyo musiibooyinka ay sababeen colaadaha joogtada ah. Dardar-gelinta howlaha maareeynta masiibooyinka waxaa dowladda u qaabilsan Hay...
Canshuurta Iibka iyo Caqabadaha ku Gedaaman
Dowladda federaalka ayaa dhawaan billowday canshuurta iibka, taas oo ka hirgashay suuqyada magaalada Muqdisho. Somali Public Agenda (SPA) ayaa daabacaday faallo qoto-dheer oo falanqeyneysa canshuurta iibka, shuruucda lagu saleeyay, habka loo qa...
Kaalinta Fanka ee Hogatusaaleynta iyo Wacyigelinta Bulshada
Burburkii ka hor, Soomaaliya waxay laheyd kooxo-faneed kaalin weyn ku lahaa wacyigelinta buslahda. Goobaha ay xoogga saari jireen kooxihii fanka ee ay dowladdu gacanta ku haysay waxaa ka mid ahaa waxbarashada, muruq-maalka, caafimaadka iyo ciya...
Kaalinta Bulshada Rayidka & Warbaahinta ee Isla-xisaabtanka Arrimaha Gargaarka Bani’aadamnimo
Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka muddada dheer la daalaa dhacayay dhibaatooyinka bani’aadamnimo. Beesha calaamka ayaa si joogta ah ugu deeqda dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan gargaar bani’aadamnimo. Waxaase aad u yar isla-xisaabtanka g...
Wacyiga Bulshada ee Dawooyinka La Isku Cadeeyo & Khatartooda
Sanadahii dambe waxaa kordhay bulshada qeybo ka mid ah oo is caddeynaya ama midabkooda doorinaya, iyagoo ujeedkoodu yahay in ay qurux dheeraad ah ka helaan. Dadka is caddeeya waxa ay adeegsadaan dawooyin la isku dardaray oo kiimiko ah. Arrintan...
Biyo-mareennada iyo Bullaacadaha Muqdisho
Dagaallada sokeeye waxa ay sababeen burbur iyo dayac ku yimid guud ahaan biyo-mareennada, bullaacadaha iyo goobaha biyaha lagu keydiyo ee magaalada Muqdisho. Waxaa ka dhashay in biyaha roobabku ay fadhiistaan wadooyinka, qaarkoodna ay burbur jo...
Adeegga Madadaallada & Saameynta Dhaqan-dhaqaale ee Bulshada
Adeegga madadaallada, gaar ahaan musalsallada, waxaa caan ka ahaa gudaha dalka musalsallada qalaad sida kuwa Meksikaanka, Carabta, Hindida, Turkida, Kuuriyaanka iyo qaar kale. Sanadihii dambe waxaa soo badanayay musalsallo ay sameynayaan shirka...