Kabasho
Kabasho waa taxane dhaymo-nafeed ah oo ay Hamda Hussein ku rajaynayso in uu fudayd iyo raysasho u horseedo cid kasta oo wehel ka dhigata ✨🌸
Episodes
67 episodes
Ep:15; The Fear of Moving Forward|Ka Cabsashada Hore-U-Socodka
Waligaa ma dareentay in markasta oo aad tallaabo horę u qaaddo Aad haddana dib u qaadayso? Cabsi maka dareentaa hore u socodkaaga nololeed? haddii jawaabtu 'Haa' tahay xilqaddan adiga ayaa iska leh. Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaag...
Ep:14; Decision Fatigue|Ka daalidda go’aan qaadashada
Haddii ay ku daaliyaan gaadhidda go'aamadu ha yaraadaan ama ha waynaadaane xilqaddan adiga ayaa iska leh, fahan sababaha ka danbeeya daalka ,fahankaasina haku dhaxalsiiyo in aad naftaada u dhibrisid oo u dhego nuglaatid. Dhagaysi i...
Ep:13; Maladaptive Daydreaming| La qabsan-Waa Iyo Maalin Riyood
Haddii gudaha madaxaaga adduunyo kuu gaar ahi kaaga dhisantahay oo la qabsiga aad la qabsatay aawadeed aad adduunyadaada dibadeeda uga qawadid, xilqaddan adiga ayaa iska leh.Dhagaysi wanaagsan
Ep:12; Dissociation| Maan Maqan Iyo Jidh Jooga
Waligaa ma dareentay inaad nolosha dul sabbaynayso, in aad dareen ahaan kabuubyoonayso, in xasuusaha qaar yaraantaadii aanad waxbaba ka xasuusan?Haddii Jawaabtu 'HAA' tahay, xilqaddani waxay kaa caawin kartaa fahanka naftaada.Dh...
Ep:11; Parentification| Waalid ka Dhigid
Waligaa ma dareentay in aad waalid tahay adiga oo aan waalidba noqon, yaraantaadiise ma dareentay in aadan noolaan caruurnimo kugu filan?Xilqaddan adiga ayaa iska leh. Dhagaysi wanaagsan
Ep:10; The Scapegoat Child| Faquuqane
Weligaa ma iswaydiisay maxay ayaa mar walba laguugu canaantaa wax aadan samayn, laguugu oogaa danbi aadan gelin, laguu faquuqaa ee qoyskiina qaab aadan garanayn kaaga dhigay? yaraantaadii haddii aad magac u heli kari wayday, waynaantaada u hel ...
Ep:9; Re-Parenting Yourself| Dib Isu-Ababin
Kawaran haddii aad adigu dhayi karto nabar kasta oo yaraantii kaasoo gaadhay? Awooddaa hadii aad leedahay saw in aad adeegsato ma aha?Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan.
Ep:8; Self-Abandonment| Heedaddoow
Waligaa xaaladdan heedaddoowga ah ma gashay? naftaada ma dayacday, xilqaddani waxay kaa caawin kartaa in aad ka xuub-siibato.Dhagaysi iyo dhaqan-gelin wanaagsan.
Ep:7; Panic Attacks| Naxdinta Soo Booddada ah
Waligaa intuu wadnuhu si xawli ah kuu garaacay , dabadeed aad dhididday oo neeftu ku qabatay ma is tidhi waad dhimanaysaa? Xilqaddan ayaynu isku waydiinaynaa xaaladdaasi waxa ay tahay.Dhagaysi wanaagsan.
Ep:6; Emotional Sponge| Muquurasho Dareen
Wali ma is waydiisay sababta ay dareemaha dadyowga kale kuu saameeyaan?
Ep:4; Paranoia| Buufis
Waligaa ma iswaydiisay 'Buufiska' ama 'Bacdu' wax ay tahay? Xilqaddan ayaynu kaga jawaabaynaa. Dhagaysi wanaagsan.
Ep:3; Neutralising Anxious Thoughts| Badhxidda Afkaaraha Cabsida
'Sidee ayaan u badhxi karaa dareemmadayda cabsida ku qotoma?' ayaynu kaga jawaabaynaa xilqaddan. Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan.
Ep:2; The Power of Positive Affirmations| Awoodda Erayada Togan
Erayadu aynu adeegsannaa saamayn maku leeyihiin caafimaadka-dhimirkeenna ayaynu xilqaddan isku waydiinaynaa. Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan.
Ep:1; Self-Stigma |Summad-Ceebeed
Weli ma Iswaydiisay su'aasha ah 'maxay ayay dadku caawimo u dalban waayaan marka ay maskaxdoodu u baahato'? xilqaddan ayaynu kaga jawaabi doonnaa wax ka mid ah waxyaabaha dadka ka hor istaaga inay maskaxdooda u hiiliyaan.
Ep:50; Dib U Milicsi |Reflecting Back
Xilqaddan waxaynu dib ugu milicsanaynaa safarkii kabasho ee sannadka iyo badhka soo socday, waxaynu kale oo wax iska waydiinynaa muhiimadda ay leedahay 'Kabashada-Dareen' iyo calaamadaha aad ku garan kartid.Dhagaysi wacan.
Ep:49; Sidkanaanta Dhaawacan |Trauma Bonding
Weligaa ma dareentay in naftaadu jeceshahay ama ku sidkantahay cidda dhibaataysa? ma u wayday magac aad u bixiso xidhiidhka noocaas ah, xilqaddan ayaa kuu faah-faahinaysa magaca ,micnaha iyo qaabka uu u samaysmo xidhiidhka noocaas ahi.
Ep:48; Darreemmo- Ku Hafasho |Sensory Overload
Weligaa ma dareentay inaad dareemahaaga ku hafanaysid? sidee ayaad u maaraysay dareen-ku hafashada? Xilqaddan ayaynu maaraynta dareen ku hafashada kaga hadlaynaa, dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan
Episode 47: Dareen Xakamayn;Emotional Regulation
Weli ma Iswaydiisay ama ma doontay inaad dareemahaaga xakamayso? Inaad falcelinahaaga adigu falkiso oo aanay si bila qorshe ah kaaga soo fulin? Xilqaddan ayaynu ku qaadaa-dhigaynaa qaabka ugu fudud ee aad u baran kartid Xakamaynta Dareemadaada....
Episode 46: Cuqdadda Hoosaynta Q:2aad;Inferiority Complex| Kabasho|
Waa Qaybtii 2aad ee Cuqdadda Hoosaynta. Dhagaysi wanaagsan . --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message
Ep:45; Cuqdadda Hoosaynta |Inferior Complex
Cuqadadda Hoosayntu 'Inferiority Complex' waa maxay ayaynu xilqaddan isku waydiinaynaa . Dhagaysi wanaagsan--- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message
Ep:44; Darroor Dareemeed |Emotional Leakage
Bani'aadamku ma darroori karaa dareen ahaan? Xilqaddan ayaynu kaga jawaabaynaa su'aashan.Dhagaysi iyo Dhaqan gelin wanaagsan--- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message