Codka Ubax
Codka Ubax waa podcast uu Ismaaciil kula sheekaysto dad uu u arko in ay saamayn togan ku leeyihiin bulshada, waxa xoogga lagu saari doonaa arrimaha bulshada ee wanaagga ah.
Episodes
120 episodes
SE12EP06 Buug Codaysan - Gaax, Qaybta 4-aad
Waa qaybtii 4-aad ee buugga "Gaax". Dhegaysi wacan!
SE12EP05 Jilayaasha Filinka "Loollan"
Saalim iyo Edna waa labada jile ee taxanaha "Loollan". Filin aad loo jecel yahay ayay hoggaaminayeen. Dhegaysi wacan!
SE12EP04 Hargeysa Ilaa Hollywood
Omer Farah waxa uu horumar la taaban karo ka gaadhay filinsamaynta casriga ah iyo tebinta sheekada. Daawasho wacan!
SE12EP03 Wacyigelinta Autism-ka
Fahanka laga haysto xaaladda autismk-ka aad ayuu u yar yahay. Barnaamijkani waa wacyigelin guud.
SE12EP02 Buug Codaysan - Gaax, Qaybta 3-aad
Buug Codaysan - Gaax, Qaybta 3-aad
SE12EP01 Waa Layga Guursaday 14
Waa barnaamijkeennii taxanaha ahaa ee Waa Layga Guursaday, qaybtii 14-aad. Dhegaysi wacan!
SE11EP06 Buug Codaysan: Gaax 2
Gaax, waa buug uu qoray Ismaaciil C Ubax, waxana uu soo baxay sannadkii 2017-kii. Waa Qaybtii 2-aad. Dhegaysi wacan!
SE11EP05 Buug Codaysan: Gaax 1
Gaax, waa buug uu qoray Ismaaciil C Ubax, waxana uu soo baxay sannadkii 2017-kii. Waa Qaybtii 1-aad. Dhegaysi wacan!
SE05EP06 Bani'aadannimo Maxay Tahay?
Dr. Ciise Cabdi Jaamac waxa uu ka mid yahay dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn. Waxa uu daweeyaa dad ku nool dhulal aad u fog oo ay ka jirto baahi caafimaad. Waxa aynu kala sheekaysan doonnaa qiimaha ay leedahay in dadka loogu adeego bani’aadann...
SE11EP04 Sirta Maanka
Cabsi, murugo, werwer, walbahaar, iskubuuq.. intaasiba waa xaaladaha fudud ee qofka soo wajahi kara, dhanka caafimaadka maanka. Asma Dhamac oo ku takhasustan cilmigan ayaa ka warramaysa. Dhegaysi wacan!
SE11EP03 Fanka & Suugaanta: Rawda Cabdiwahaab "Dhal Gobeed"
Waa barnaamijka Fanka & Suugaanta. Waxa ku casuuman Rawda Cabdiwahaab "Dhal Gobeed". Dhegaysi wacan!
SE11EP02 Qaxii Suudaan
Dagaalka Suudaan ka qarxan sannadkii 2023-kii, sidee ayuu saameeyay dhallinyarada Soomaalida ah ee halkaas wax ka dhigan jirey? Daawasho wacan!
SE11EP01 ABDI ADDE
ABDI ADDE waa muuqaalsameeye ku shaqaysta telefoonkiisa, muuqaallo qurux badanna soo gudbiya. Dhegaysi wacan!
SE10EP04 Waan Is Guursannay 4
Waa qaybtii 4-aad ee taxanaheenna "Waan Is Guursannay", sidoo kale waa qaybtii u dambaysay ee sheekada Farxaan iyo Rooda. Dhegaysi wacan!
SE10EP03 Waan Is Guursannay 3
Waa qaybtii saddexaad ee barnaamijkeennii "Waan Is Guursannay". Dhegaysi wacan!
SE10EP02 Waan Is Guursannay 2
Waa qaybtii labaad ee taxanaheennii "Waan Is Guursannay". Dhegaysi wacan!
SE10EP01 Waan Is Guursannay 1
Waa taxane cusub oo la magac baxay "Waan Is Guursannay". Waxa uu xoogga saarayaa qisooyinka dhegaystayaasha ku xidhan Codka Ubax iyo jacaylada guulaystay. Waa qaybtii kowaad. Dhegaysi wacan!
SE09EP07 Fanka & Suugaanta: Nimcaan "Qays Galbeed"
Waa barnaamijkeennii Fanka & Suugaanta, waxana maanta ku casuuman abwaanka da'da yar ee Nimcaan "Qays Galbeed". Dhegaysi wacan!
SE09EP06 Fanka & Suugaanta: Cabdirisaaq Xasiliye
Waa mar kale iyo barnaamijkeennii Fanka & Suugaanta. Waxa marti ku ah Cabdirisaaq "Xasiliye". Dhegaysi Wacan.
SE09EP05 Qoraalka & Dhaqanka
Muna Axmed Cumar waa qoraa wax ka qorta dhaqanka Soomaalida. Waxa aannu kala sheekaysannay isbedellada qoraalka, kuwa dhaqanka, iyo wacyiga bulshada. Dhegaysi wacan!
SE09EP04 Barnaamijka Caafimaadka: Qanjidka Thyroid
Maxaad ka taqaannaa qanjidhka thyroid-ka la yidhaa? Waa Dr. Mariam oo ka warramaysa isbeddelka ku yimaadda qanjidhkan iyo sida uu dadka u saameeyo. Dhegaysi wacan!
SE09EP03 Khilaafyada Soomaalida
Maxaa soo celceliya khilaafyada Soomaalida, taariikh ahaan sidee loo xallin jirey, caqabado noocee ah ayaa se hor taagan in tabashooyinka la xalliyo? Mawduucan waxa aan kala sheekaystay Cabdiraxmaan Sheekh Xasan "Musaabaqo". Dhegaysi wacan!
SE09EP02 Fanka & Suugaanta: Rawda Cabdiwahaab "Dhalgobeed"
Waa barnaamijkeennii Fanka & Suugaanta. Waxa maanta marti ku ah Rawda Cabdiwahaab "Dhalgobeed". Dhegaysi wacan!