Codka Ubax
Codka Ubax waa podcast uu Ismaaciil kula sheekaysto dad uu u arko in ay saamayn togan ku leeyihiin bulshada, waxa xoogga lagu saari doonaa arrimaha bulshada ee wanaagga ah.
Episodes
128 episodes
SE13EP05 Saynabeey Salaamaad, Qaybta 4-aad
Waa qaybtii 4-aad, uguna dambaysay, ee taxanaha buugga "Saynabeey Salaamaad", dhegaysi wacan!Haddii aad u baahato buugga oo daabacab, kala xidhiidh:WhatsApp: +252634455341
SE13EP04 Fanka & Suugaanta: Naciima X. Maxamed
Waa barnaamijkeennii Fanka & Suugaanta. Doorkan waxa marti ku ah Naciima X. Maxamed. Dhegaysi wacan!
SE13EP03 Saynabeey Salaamaad, Qaybta 3-aad
Waa qaybtii 3-aad ee taxanaha buugga "Saynabeey Salaamaad", dhegaysi wacan!Haddii aad u baahato buugga oo daabacab, kala xidhiidh:WhatsApp: +252634455341
SE13EP02 Saynabeey Salaamaad, Qaybta 2-aad
Buugga Saynabeey Salaamaad waxa uu ku saabsan yahay sheeko dhab ah oo ka dhacday magaalada Muqdisho, sannadkii 1991-kii. Dhegaysi wacan!
SE13EP01 Saynabeey Salaamaad, Qaybtii 1-aad.
Buugga Saynabeey Salaamaad waxa uu ku saabsan yahay sheeko dhab ah oo ka dhacday magaalada Muqdisho, sannadkii 1991-kii. Dhegaysi wacan!
SE12EP09 Cali Dhaanto
Cali Dhaanto oo ku sugan magaalada Hargeysa ayaannu kala sheekaysannay mawduucyo kala duwan. Dhegaysi wacan!
SE12EP08 Faraska Madow
Faraska Madow waa qof ka ballaadhan inta uu soo bandhigo. Halkan ayaad kaga bogan doontaa wax kasta oo shakhsiyaddiisa qaabeeyay. Dhegaysi wacan!
SE12EP07 Waa Layga Guursaday 15
Waa barnaamijkeennii WLG qaybtii 15-aad. Dhegaysi wacan!
SE12EP06 Buug Codaysan - Gaax, Qaybta 4-aad
Waa qaybtii 4-aad ee buugga "Gaax". Dhegaysi wacan!
SE12EP05 Jilayaasha Filinka "Loollan"
Saalim iyo Edna waa labada jile ee taxanaha "Loollan". Filin aad loo jecel yahay ayay hoggaaminayeen. Dhegaysi wacan!
SE12EP04 Hargeysa Ilaa Hollywood
Omer Farah waxa uu horumar la taaban karo ka gaadhay filinsamaynta casriga ah iyo tebinta sheekada. Daawasho wacan!
SE12EP03 Wacyigelinta Autism-ka
Fahanka laga haysto xaaladda autismk-ka aad ayuu u yar yahay. Barnaamijkani waa wacyigelin guud.
SE12EP02 Buug Codaysan - Gaax, Qaybta 3-aad
Buug Codaysan - Gaax, Qaybta 3-aad
SE12EP01 Waa Layga Guursaday 14
Waa barnaamijkeennii taxanaha ahaa ee Waa Layga Guursaday, qaybtii 14-aad. Dhegaysi wacan!
SE11EP06 Buug Codaysan: Gaax 2
Gaax, waa buug uu qoray Ismaaciil C Ubax, waxana uu soo baxay sannadkii 2017-kii. Waa Qaybtii 2-aad. Dhegaysi wacan!
SE11EP05 Buug Codaysan: Gaax 1
Gaax, waa buug uu qoray Ismaaciil C Ubax, waxana uu soo baxay sannadkii 2017-kii. Waa Qaybtii 1-aad. Dhegaysi wacan!
SE05EP06 Bani'aadannimo Maxay Tahay?
Dr. Ciise Cabdi Jaamac waxa uu ka mid yahay dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn. Waxa uu daweeyaa dad ku nool dhulal aad u fog oo ay ka jirto baahi caafimaad. Waxa aynu kala sheekaysan doonnaa qiimaha ay leedahay in dadka loogu adeego bani’aadann...
SE11EP04 Sirta Maanka
Cabsi, murugo, werwer, walbahaar, iskubuuq.. intaasiba waa xaaladaha fudud ee qofka soo wajahi kara, dhanka caafimaadka maanka. Asma Dhamac oo ku takhasustan cilmigan ayaa ka warramaysa. Dhegaysi wacan!
SE11EP03 Fanka & Suugaanta: Rawda Cabdiwahaab "Dhal Gobeed"
Waa barnaamijka Fanka & Suugaanta. Waxa ku casuuman Rawda Cabdiwahaab "Dhal Gobeed". Dhegaysi wacan!
SE11EP02 Qaxii Suudaan
Dagaalka Suudaan ka qarxan sannadkii 2023-kii, sidee ayuu saameeyay dhallinyarada Soomaalida ah ee halkaas wax ka dhigan jirey? Daawasho wacan!
SE11EP01 ABDI ADDE
ABDI ADDE waa muuqaalsameeye ku shaqaysta telefoonkiisa, muuqaallo qurux badanna soo gudbiya. Dhegaysi wacan!
SE10EP04 Waan Is Guursannay 4
Waa qaybtii 4-aad ee taxanaheenna "Waan Is Guursannay", sidoo kale waa qaybtii u dambaysay ee sheekada Farxaan iyo Rooda. Dhegaysi wacan!
SE10EP03 Waan Is Guursannay 3
Waa qaybtii saddexaad ee barnaamijkeennii "Waan Is Guursannay". Dhegaysi wacan!